Idaacadda islaamiga ah ee Andalus oo ka mid ahayd bahda warbaahinta islaamiga ah ee lagu casuumay shirwaynihii 2-aad ee looga arrinsanayay jihaadka ka socda bariga Afrika, waxay galabta baahisay barnaamij gaar ah oo qayb ka ah barnaamijiyo muhiim ah oo ay idaacaddu kasoo diyaarisay shiwaynihii 2-aad ee jihaadka bariga Afrika, kaas oo dhowaan kusoo gabogaboobay wilaayaadka islaamiga ah.
Barnaamijkan oo ah mid xiiso badan waxay Andalus ku falanqaysay habsami u socodka shirka waxaana barnaamijka si wadajir ah u falanqaynaya Wariye Feysal Xasan oo ah daadihiyaha barnaamijka iyo walaalaha Abuu Ibraahiim iyo Cabdifataax Filiibiin, waxaana barnaamijkan falanqaynta ah lagu qabtay gudaha hoolka shirarka ee Al-imam Axmed Guray, oo ah halka uu ka dhacayay shirwaynihii 2-aad ee looga arrinsanayay jihaadka ka socda bariga Africa.