Rabshado aad u ballaaran ayaa ka dhacay magaalada Cardiff ee ka tirsan waddanka Ingiriiska, rabshadahaan ayaana si wayn ugu sii baahay waddooyinka waawayn ee magaalada, Kaddib markii 2 qof oo dhallinyaro ah ay ku dhinteen shil baabuur oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen ciidamada booliska.
Bannaanbaxyadu waxay isku badaleen isku dhacyo dhexmaray booliska iyo dadka shacabka ah ee mudaaharaadka ka dhigayay qaybo ka mid ah magaalada sida ay soo wariyeen saraakiil ka tirsan ciidanka boolisku oo isku dayay inay soo gabgaboobaan xaaladda cakiran ee ka taagan magaalada Cardiff.
Taliyaha ciidamka booliska ee South Wales ninka lagu magacaabo Alun Michael ayaa sheegay in xiriirka ka dhaxeeya shilka iyo rabashada aysan weli u kala cadeyn, isago xusay in rabashadahan ay ciidanka boolisku kaga dhaawacmeen 12 askari.
Dadka kacdoonka kaga soo horjeeday ciidamada ammaanka ayaa sheegay in booliska ay ku lug lahaayeen shilka ay ku dhinteen labada qof ee dhalinyarada ah, laakiin booliska ayaa dhankiisa sheegay in askartu ay goobta soo gaareen markii uu dhacay shilka kaddib.
Dibadbaxayaasha ayaa dab qabadsiiyay gaadiid badan intii uu socday isku soo baxay waxayna boolisku xireen dhowr oo ay ku eedeeyeen inay ku lug leeyihiin bannaanbaxyada.