Madaxweynaha dalka Uganda, baadariga saliibiga ah ee lagu magacaabo Yuweri Museveni ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii lagu xasuuqay ciidankooda ee ka dhacay magaalada degmada Buula-Mareer jimcihii lasoo dhaafay. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu yiri:
“Subixii Jimcaha, saacadu markii ay ahayd 5:30am (kow iyo toban saac iyo bar subaxnimo), dhacdo nasiib-darro ah ayaa nagu qabsatay Soomaaliya, halkaas oo ay cidamadeenu ka hawlgalayeen tan iyo 2007dii. Magaalada lagu magacaabo Buulo-Mareer, waxaa ku yaallay saldhig ay joogeen ciidamo ka tirsan UPDF. Difaacyadooduna aad ayay u xooganaayeen inkastoo lagu ilaalinayo hubka fudud”
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waxaa saldhigga yaallay laba taangi, laba qori oo kuwa lidka diyaaradaha ah, gaar ahaan nooca Shilkaha loo yaqaano iyo qori 107mm Katuusha ah. Qaar ka mid ah Ciidamadeena halkaasi ku sugnaa ma aysan soo bandhigin wax-qabadkii laga filayay waana ay qalqaleen oo argagax ayaa ku dhacay, taas oo keentay inay kala cararaan, Al-Shabaab ayaa ka faa’iideysatay fursadaas iyagoo xeradii cagta mariyay, qalabkii halkaas yaallayna burburiyay”
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni sheegay in ciidankoodii ka baxsaday weerarka uu firxadkoodu gaaray saldhigga Golweyn, wuxuuna yiri: “Qaar ka mid ah askarteena waxay u baxsadeen saldhig kale oo aan ku leenahay meel 9 kiiloomitir u jirta Buula-Mareer, Argagixisadu aad ayay u badnaayeen, ilaa 800 ama wax ka badan ayay ahaayeen” ayu hadalkiisa sii raaciyey.
Wuxuu tacsi u diray dadweynaha reer Uganda, kuwaas oo ugu baaqay inay calool adeyg ku qaabilaan musiibadaasi aan laga indha laaban karin. “Waxaa tacsi u dirayaa guud ahaan wadanka Yugaandha iyo ehelada askartii ku dhintay weerarka. Dhacdadan nasiib darrada ah waa in loo adeegsadaa in lagu xasuusiyo dhammaan dadka ay khusayso, in hawlgallada Soomaaliya iyo furumaha kale ka socda ay yihiin hawlgallo dagaal ee aanay ahayn mashaariic gargaar oo aad dhaqaalo uga heleyso Qaramada Midoobay”
Madaxweynaha dalka Uganda, gaal Yuweri Museveni ayaa sheegay inay guddi u saareyn baaritaanka iyo dabagalka xasuuqii ciidankooda ku qabsaday Buula-Mareer, ayna dib kasoo gudbin doonaan khasaaraha iyo faahfaahino dheeraad ah.
Falka dhacay waa fal dembi ku ah qof walba oo ku lug leh, inuu hawlgal noocaas ah usoo diro askar aan diyaarsanayn ama aan ku haboonayn hawshaas ama aan si wanaagsan loosoo diyaarinin. Faahfaahintu waxay soo bixi doontaa ka dib marka ay guddiga baarista loo xilsaaray ay shaqadooda soo dhamaystiraan markaas oo ay xaqiiqada dhabta soo bixi doonto oo ay ku jirto tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay weerarka” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey.
Dowladda Uganda ayaa shaley shaacisay inay Soomaaliya usoo dirtay wafdi uu hogaaminayo taliyaha ciidanka Uganda,kuwaas oo qiimeyn doona xaalada ciidankooda ku sugan Soomaaliya iyo weerarkii Buula-Mareer ee lagu xasuuqay ciidankooda, waxaana muuqaneysa inay xukuumada Kampala dareentay halista ku gedeeman ciidankooda ku sugan saldhigyada ku yaalla jiidda hore ee Sh/hoose.