Bulshada Buulo-mareer waxay maalintii 4-aad oo xiriir ah hoos harsanayaan harka shareecada oo magaaladaasi ka maqnaa muddo ka badan 9 sanno, kadib markii ay magaaladaasi duullaan saliibi ah kusoo galeen ciidanka kuffaarta Yugaandha.
Idaacadda islaamiga ah ee Andalus oo maalinkii labaad booqasho ku joogta magaalada Buulo-mareer ee wilaayada Shabeellada hoose ayaa gudaha u gashay xeradii lagu xasuuqay saliibiyiinta Yugaandha, muuqaal uu gudaha xerada kasoo duubay wariyaha Al-andalus Bashiir Muxiyadiin Abuu Ayman ayaa muujinaya raadadka halaaggii Ugaandha halkaasi ku qabsaday waaberigii hore ee jumcihii lasoo dhaafay.
Muuqaalka Andalus ayaa muujinaya qalabkii ciidamada kuffaarta Uganda looga burburiyay gudaha xerada, waxaana la arki karaa baaxadda xerada iyo raadadkii guul-darrada ee ay saliibiyiintu kaga tageen saldhiggoodii Buulo-mareer.