Wararka ka imaanaya magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan ayaa sheegaya in markale magaaladaas ay ka billowdeen dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidamada millatariga Suudaan iyo xooggaga taageerada deg degga ah ee kasoo horjeeda millatariga.
Ilo wareedyo ku sugan magaalada Khartuum, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ugu yaraan 18 qof oo shacab ah ay ku dhinteen in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo u dhexeeyay ciidammada milateriga iyo maleeshiyaadka Dacmu-sariic, isku dhacyadan ayaana ka dhacay mid ka mid ah suuqyada Khartuum.
Ciidanka millatariga Suudaan ee uu hoggaamiyo Cabdifataax Al-burhaan ayaa ciidanka kasoo horjeeda ee taageerada millatari ka helaya Imaaraadka ku eedeeyay in ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo ka dhiidhinayay inay ciidankaas baabuur xadaan waa sida ay warka u dhigeene.
Dhaawacyada inka badan 100 qof ayaa la xaqiijiyay in la dhigay xarumaha caafimaadka, isku dhacyadan hubeysan ee maanta ka dhacay Khartuum ayaana kusoo beegmaya xilli ay dib usoo cosboonaadeen iska hor’imaadyada hubeysan ee u dhaxeeya ciidamada dowladda dabdhilifka ah ee Suudaan.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Raadadka Colaadda Suudaan.