Maxkamadda wilaayada islaamiga ah ee Baay waxay fagaare ku yaalla magaalada Buulo-fulaay saacadihii lasoo dhaafay ku fulisay xukun xaddu Riddo dil ah, kaas oo lagu fuliyay 5 xubnood oo jawaasiis u ahaa sirdoonka dowladda saliibiyadda ah ee Maraykanka.
Fagaaraha uu xadku ka dhacayay waxaa soo xaadiray dadweyne aad u fara badan, kuwaas oo goob joog u ahaa fulinta xadkaasi ka midka ah xuduuda Alle, mid ka mid ah qudaadda maxkamadda islaamiga ah ayaa fagaaraha ka akhriyay magacyada jawaasiista u basaasaysay sirdoonka saliibiyadda Maraykanka.
Xubnaha jawaasiista ah ee lagu khaarajiyay Buulo-fulaay waxay kala ahaayeen Jaasuus Cabdisalaan Muuse Xuseen oo loo yaqaan (Cabdisalaan Barafle) 44 jir ka ka tirsanaa jawaasiista sirdoonka Maraykanka, 2- Muxammad Aweys Maxamed Nuur (Maxamed Sagaarey) 26 jir ka tirsanaa jawaasiista sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, 3- Xassan Muuse Maxamed 33 sano jir ka tirsanaa jawaasiista Maraykanka, 4- Aadan Nuur Aadan (Aadan Gaab) 21 jir jaasuus u ahaa sirdoonka Maraykanka iyo Cabdulqaadir Muxiyadiin Xaaji Iidow (Daadirey) 37 jir ka tirsanaa jawaasiista Maraykanka Maraykanka.
Xubnahan basaaska ah waxay dhamaantood maxkamadda wilaayada islaamiga Baay horteeda ka qirteen inay basaas u ahaayeen sirdoonka dowladda saliibiyadda Maraykanka, ayna ka danbeeyeen duqaymo dad muslimiina lagu dilay oo uu Maraykanku ka gaysteen wilaayaadka islaamiga ah halka qaarna ay sheegeen in iyagoo ku howlan arrintaasi gacanta lagu soo dhigay.