Ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Banaadir waxay howlgal qarax ah oo ay ka fuliyeen agagaarka saldhigga degmada Waaberi ee magaalada caasimadda ku dhaawaceen murtad lagu magacaabo Axmaad Cabdullaahi Aadan oo loo garan ogyahay (Garaar), kaas oo ah xoghaynta gaarka ah ee xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, sidoo kale sawirro laga soo qaaday goobta lagu qarxiyay ayaa muujinayay burbur soo gaaray gaariga uu watay murtadka la beegsaday.
Dhanka Galgaduud waxay ciidamada mujaahidiintu maanta qarax xooggan la beegsadeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen maleeshiyaad ka tirsan Riddada gaar ahaan kuwa Gorgor kuwaasi oo kasoo baxay deegaanka Al-kowthar ee Sh/dhexe, kuna sii jeeday degmada Galcad wilaayada Galgaduud.
Howlgalkan qaraxa ayaa si gaar ah kaga dhacay deegaanka Gal-libaax ee hoos tagta degmada Galcad xilli kolonyada maleeshiyaadkaasi ay halkaasi marayeen, inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi lagu gubay gaari C/Bile ah, waxaa sidoo kale jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray maleeshiyaadka Riddada ee la qarxiyay.
Hoos Ka Daawo Sawirradda Qaraxa Lala Beegsaday Xog-hayaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee Xamar Ka Dhacay.