Wararka ka imaanaya wilaayada Banaadir waxay sheegayaan in howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu maanta ka fuliyeen xaafadda Daaru-salaam ee caasimadda Muqdisho lagu beegsaday mas’uul ka tirsan maamulka Riddada ah ee degmada Dayniile.
Qaraxaan ayay ciidamada mujaahidiintu si gaar ah ula beegsadeen murtad lagu magacaabo Shiraye oo ka mid ah guddoomiye waaxeedyada maamulka Riddada degmada Dayniile, waxaa la xaqiijiyay in qaraxaasi uu ku dhaawacay masuulka lala beegsaday, waxaana murtadkaasi lala dhaawacay mid ka mid ah ilaaladiisa.
Dhanka kale faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax culus oo maanta ay ciidanka mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanka Gal-libaax ee hoos tagta degmada Galcad ee wilaayada Galgaduud, waxaa qaraxaas oo lala eegtay kolonyo ka tirsan maleeshiyada Gorgor ee Riddada ah ku dhimatay shan askari oo murtadiin ah, waxaana ku dhaawacmay lix kale, waxay sidoo kale mujaahidiintu gubeen gaari nooca Cabdibile ah oo ay wateen maleeshiyaadka Riddada.