Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxay maanta agagaarka deegaanka Garasbaaley ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho weerar kamiin ah ugu dhigeen maleeshiyaad ka tirsan murtadiinta, gaar ahaan kuwii dhowaan laga keenay waddanka Yugaandha ee madaxda murtadiinta ay ku wareejiyeen amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Saraakiil ka tirsan ciidanka mujaahidiinta waxay Andalus u sheegeen in maleeshiyaadka Riddada ee weerarka lala beegsaday uu weerarka jidgalka ah qabsaday xilli ay doonayeen iney bar Control ka sameystaan agagaarka xaafadda Roob da’ay deegaanka Kaxda ee duleedka magaalada Muqdisho.
Howlgalkan kamiinka ah ayaa qayb ka ah howlgallo qaraxyo iyo kuwa toos ah oo ay mujaahidiintu maalmihii dambe ka wadeen magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu boqna goynayay maleeshiyaadka Riddada ee dhowaan laga keenay waddanka Yugaandha laguna wareejiyay amniga Muqdisho.