Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Banaadir waxay howlgal qarax ah ku weerareen guri uu xaafadda Shiirkole degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ka degan yahay taliyihii hore ee maleeshiyada Booliska Riddada degmada Hodan murtadka lagu magacaabo Cabdifataax qoslaaye.
Saraakiisha ciidanka mujaahidiintu waxay Andalus u xaqiijiyeen in weerarkaasi qaraxa ah ay ku bakhtiyeen 4 askari, oo ka mid ahaa ilaalada sarkaalka la qarxiyay, halka ay sidoo kale qaraxaasi ku dhaawacmeen 5 askari oo murtadiin ah oo uu ku jiray C/fataax qoslaaye oo ahaa taliyihii hore ee Booliska Riddada degmada Hodan, ahaana sarkaalka ciidan ee hadafka u aha mujaahidiinta, waxayna saraakiishu intaas ku dareen in murtadkaas dhaawac ahaan goobta looga qaaday.
Dhanka Sh/hoose waxay ciidanka mujaahidiintu dagaal culus oo toos ah ku mireen xerada ciidamada saliibiyiinta ee buundada deegaanka Bariire oo ka mid ah deegaannada hoostaga degmada Afgooye, lama bixin faahfaahin dheeri ah oo ku aadan howlgalka qaraxa.