Kaddib ku dhawaad 10 saacadood oo rag ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ay howlgal xooggan oo inqimaasi ah ka wadeen mid ka mid ah xarumaha aadka loo ilaaliyo ee murtadiinta ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, ayuu dhanka kale taliska ciidanka mujaahidiinta shaaciyay in uu soo dhamaaday howlgalkaasi Inqimaasiga ah.
Howlgalkan oo lagu beegsaday xarunta lagu magacaabo Pearl beach degmada Cabdi Caziiz ee magaalada Muqdisho oo ah goob ay ku caweeyaan saraakiil iyo madax ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya, kuwaas oo kaalin weyn ku leh dagaalka ka dhanka ah shareecada islaamka iyo boobka dhaqaalaha Ummada Soomaaliyeed ee muslimka ah, waxa uu taliska ciidanka xaqiijiyay in ciidamada Inqimaasiyiinta ay gudaha u galeen xarunta kaddib markii ay toogasho ku dileen dhammaan ilaaladii hubaysnayd ee xarunta joogtay, taas oo Allaah fadligii u suuragelisay inay la wareegaan gacan ku haynta xarunta.
Taliska ciidanka oo warsaxaafadeed kasoo saaray howlgalkaasi Inqimaasiga ah ayaa xaqiijiyay in mujaahidiinta illaa 7 jeer ay jabiyeen weeraro ay soo qaadeen maleeshiyaadka Riddada intii uu socday howlgalka, taliska ayaana si horu dhac ah u xaqiijiyay in howlgalkaas Allaah fadligii lagu dilay 29 xubnood oo murtadiin ah, iyo dhaawaca tiro intaas ka badan.
Halkan Ka Degso Bayaanka Taliska Ciidanka Mujaahidiinta Oo PDF Ah.
Ama Hoos Ka Akhriso