Iyadoo weli ay taagan tahay xiisadda ka dhex aloosan madaxda maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee isku magacaabay Puntland iyo kuwa mucaaradka ee kasoo horjeeda, ayuu mid ka mid ah xildhibaannada dawaaghiidda ah ee maamulkaas shaaciyay in kooxo hubeysan ay ku weerareen gudaha magaalada Garoowe.
Xildhibaankan murtadka ah oo lagu magacaabo Cabdiqani Dhaashane oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalo madaxda maamulkaas ee Garoowe, ayaa sheegay in xalay kooxo hubeysan oo mucaaradka maamulkaas ka tirsan ay ku weerareen hoygiisa, Ayna jirdil u gaysteen.
Hadalkan kasoo yeeray xildhibaankan ka tirsan maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Puntland ayaa kusoo beegmaya, xilli uu faraha kasii baxay khilaafka ka dhex taagan madaxda maamulkaas iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah, kaas oo salka ku haya arimaha doorashooyin gaaleedka.