Diyaaradaha dowladda saliibiyadda ah ee Kenya waxay markale duqaymo wuxuushnimo ah ka gaysteen degmooyin ka tirsan wilaayada Jubbooyinka, halkaas oo ay ku dileen dad shacab ah oo aan waxba galabsan halka sidoo kale ay ku burburiyeen guryo iyo dhisme shirkad maxalli ah.
Duqaymahaan oo dhacay abbaare 10:00 fiidnimo wakhtiga maxalliga ah ee Soomaaliya, waxay tan 1-aad ka dhacday degmada Salagle, waxayna saliibiyiintu duqayntaas ku beegsadeen dad shacab ah, halkaas oo ay ku shahiideen hooyo iyo gabadheeda, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 2 caruur ah, kuna burbureen dhamaan guriyihii shacabka ee ay duqaymuhu beegsadeen.
Sidoo kale waxay duqaynta labaad ka dhacday degmada Saakow ee wilaayada Jubbooyinka, diyaaradaha saliibiyiinta Kenya ayaa duqayntaasi ku beegsadeen dad shacab ah iyo mid ka mid ah xarumaha isgaarsiinta maxalliga ah, inta la xaqiijiyay waxaa duqaymahan ay diyaaradaha saliibiyiintu ku beegsadeen dadka shacabka ah ku dhaawacmay hal qof oo haweenay ah halka sidoo kale ay burburiyeen dhismaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee Saakow.
Duqaymaha saliibiyiinta Kenya waxay sidoo kale beegsadeen dad shacab ah oo ku dhaqan deegaano dhaca duleedka magaalada Kismaayo, gaar ahaan deegaannada Santaara iyo Bqdaad, lama soo werin hadii ay jiraan khasaare nafeed, balse waxaa jira burbur xooggan oo ay duqaymahaasi u gaysteen guryaha dadka shacabka ah.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Duqaymaha Saakow.