Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaa maanta ka taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay xilka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii murtadiinta ugu magacownaa gobolkaas, murtad Cali Jayte Cismaan, ka dib markii uu khilaaf xooggan soo kala dhexgalay isaga iyo murtad Cali Guudlaawe.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo kasoo horjeeda xilka qaadista uu sameeyay madaxa maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Hirshabeelle, ayaa maanta xirtay waddooyinka magaalada Beledweyne, waxaa sidoo kale jira isku soo baxyo looga soo horjeedo tallaabada uu qaaday Guudlaawe oo ka dhacay Beledweyne.
Halkan Ka Dhagayso Wararkii Ugu Dambeeyay Xiisadda Beledweyne.