Ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala gobolka Laamu ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya, waxay howlgal culus oo qarax ah la beegsadeen gaari Tow ah oo ay wateen ciidamada millatariga Saliibiyiinta Kenya, kuwaas oo kasoo baxay deegaanka Pandanguo, kuna sii jeeday deegaanka Witu ee gobolkaasi Laamu.
Ciidanka mujaahidiinta waxay sidoo kale qarax culus la beegsadeen ciidamo saliibiyiinti ah oo gurmad uga soo baxay deegaanka Witu, kuwaasi oo la socday gaari nooca Kooyalka ah, ee ay badanaa isticmaalaan ciidanka booliska.
Saraakiil ka tirsan ciidanka mujaahidiinta waxay idaacadda islaamiga ah ee Andalus u xaqiijiyeen in qaraxyadaas lala beegsaday gaadiidka kuffaarta Kenya, ay ku bakhtiyeen ugu yaraan 25 askari oo Kenyaati ah, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 3 kale, waxay sidoo kale mujaahidiintu qaraxyadan ku gubeen 2 gaari oo kala ah Tow iyo Kooyal.
Qaraxyadan lagu laayay ciidamada saliibiyiinta Kenya ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada mujaahidiintu ay sare u qaadeen howlgalladooda ka dhanka ah dowladda Kenya ee ka socda dhulalka NFD iyo Laamu, oo ay leeyihiin dadka muslimiinta, balse ay Kenya xoogga ku haysato.