Sheekh Aadan Sahal Abuu Turaab oo ah waaliga wilaayada islaamiga ah ee Gedo oo waraysi gaar ah siiyay idaacadda islaamiga ah ee Al-andalus ayaa ka hadlay camaliyaadkii Istish-haadiga ee maanta gil-gilay magaalada Baardheere, kuwaas oo ay mujaahidiintu ku beegsadeen saldhigga xabashida Itoobiya ee degmadaas.
Sheekh Abuu Turaab ayaa sheegay in camaliyaadkii maanta gilgilay saldhigga saliibiyiinta xabashida ee Baardheere khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay saliibiyiinta Itoobiya, inkastoo uu sheegay inaan tirakoob rasmiga ah laga haynin khasaaraha xabashida, dhanka murtadiinta ayuu sheegay in khasaaraha dhimasho ee kasoo gaaray camaliyaadkii ka dhacay Baardheere ay kor u dhaafayaan 40 askari.
Sheekha ayaa sheegay in ciidamada mujaahidiintu ay goor walba iyo geed walba ay ku beegsan doonaan ciidamada saliibiyiinta Itoobiya ee duullimaadka ku ah deegaannada shareecada islaamka lagu maamulo, waxa uu sidoo kale sheekh Abuu Turaab farriin adag u diray maleeshiyaadka dabadhilifyada u ah saliibiyiinta Itoobiya.