Ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay dagaal xooggan ku mireen saldhigga ciidanka kuffaarta Yugaandha ay ka deganyihiin Airport-ka degmada Baraawe ee wilaayada Sh/hoose, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalkaas ka dib waxay ciidamada mujaahidiintu weeraro kale oo abaabulan ku ekeeyeen saldhigga ciidamada kuffaarta Yugaandha ee deegaanada Buur-colow iyo Biiyamaalow oo wada dhaca duleedka degmada Baraawe.
Weeraradaan oo ahaa kuwa dhacay xilli gudcur ah, waxaa lasoo wariyay inay mujaahidiintu dhowr jiho ka weerareen saldhigyada ciidanka saliibiyiinta Yugaandha, si rasmi ah looma oga khasaaraha saliibiyiinta Uganda kasoo gaaray weeraradaas, maadaama ay dagaalladu dhaceen xilli habeen ah.