Ciidamada mujaahidiinta ee ka jihaada gudaha dhulalka muslimiinta ee ay Kenya xoogga ku haysato waxay howlgal culus ka fuliyeen deegaan ka tirsan gobolka Laamu ee ka mid ah dhulalka muslimiinta, halkaas oo lagu dilay gaalo Kenyaan ah sidoo kalena lagu burburiyay guryo ay deganaayeen dad nasaaro ah.
Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan waxay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen tuulo lagu magacaabo Jihudi oo hoostagta Kiba’oni, oo ka tirsan gobolka laamu, tuuladan waxaa dhinac marta waddada wayn ee isku xirta Mambasa iyo Imbakatooni.
Saraakiil ka tirsan ciidamada mujaahidiinta oo Andalus la hadlay waxay xaqiijiyeen in howlgalkan gaarka ah Allaah fadligii lagu khaarajiyay 6 xubnood oo gaalo Kenyaati ah, waxay sidoo kale mujaahidiintu gubeen 10 guri oo ay deganaayeen dad Kiristaan ah.
Howlgalkan ka dhacay gobolka laamu ayaa kusoo beegmaya, xilli dhowaan mujaahidiintu ay wacad ku mareen inay jawaab deg deg ah ka bixin doonaan duqeymaha ka dhanka ah dadka shacabka ee ay saliibiyiinta Kenya ka gaysteen degmooyinka Jilib Saakow Iyo Salagle oo dhamaantood ka tirsan wilaayada Jubbooyinka.