Maanta waa maalin isniin ah oo taariikhdu ku beegan tahay 8-da bisha Dul-xijjah 1444 Hijri, waxay malaayiin duyuufu raxmaan ah oo Xujey muslimiin ah oo isaga kala yimid daafaha caalamka si toos ah u guda galeen acmaasha Xajka oo ka mid ah shanta tiir ee diinta Islaamka.
Maanta waa Yowmu Tarwiyah waxeyna Xujeyda muslimiinta ah iyagoo soo meydhay ay u dhaqaaqeen dhanka Mina waxayna ku sugnaan doonaan maanta oo dhan, waxaana acmaashan gudanaya 2.3 Milyan oo muslimiin ah.
Maalinta barri oo ah sagaalka Dul-xijjah waa maalinta Xujeyda ay gudanayaan rukniga ugu weyn xajka oo ah istaaga Banka Carafah, waxeyna Shareecada Islaamka u jideysay muslimiinta kale ee aysan u suura galin iney Xajiyaan iney Soomaan maalinta Carafo oo Berri ah, Soonkaasi oo ah mid Fadli weyn xamabaarsan.