Maxkamadda wilaayada islaamiga ah ee Gedo waxay fagaare kuyaal deegaanka Faxfaxdhuun ee wilaayadaas xukun xaddu Riddo dil ah kula fulisay 5 xubnood oo jawaasiis u ahaa sirdoonnada saliibiyadda Maraykanka iyo midka Riddada.
Jaasuuska 1-aad ee ka mid ahaa jawaasiista lagu dilay Faxfaxdhuun waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamed Cabdalle (Abuukey) oo 47 sanno jir ahaa, lana shaqaynayay sirdoonka kooxda Riddada. jaasuuska labaad waxaa la oran jiray Cabdisamad Cabdiqaadir Xasan, oo 22 jir la shaqaynayay sirdoonka Riddada. jaasuuska 3-aad waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Aadan Maxamuud 31 jir ka tirsanaa sirdoonka Maraykanka ee CIA-da. Jaasuuska affaraad waxaa lagu magacaabi jiray Mowliid Cabdullaahi Cilmi, kaas oo da’diisu ahayd 43 jir waxa uu ka mid ahaa jawaasiista murtadiinta. jaasuuska ugu dambeeya oo lagu magacaabi jiray Siyaad Muxiyadiin Cismaan oo da’diisu ahayd 27 jir, wuxuu ka tirsanaa jawaasiista kooxda Riddada.
Dhamaan waxay jawaasiistan maxkamadda islaamiga ah horteeda ka qirteen inay basaasiin u ahaayeen hay’adaha sirdoonnada Ridada iyo midka Maraykanka, iyagoo ku howlan falkaas gaalnimada ahna gacanta lagu soo dhigay, ugu damabaynna waxay maxkamaddu fagaaraha Faxfaxdhuun oo ay soo xaadireen dadweyne fara badan xukun xaddu Riddo dil ah kula fulisay shantaas xubnood ee jawaasiista ah.