Magaalada Jilib ee wilaayada Jubbooyinka waxaa maanta si wayn looga debaal-degayaa munaasibadda ciidda iyadoo maanta ay muslimiinta caalamka u tahay maalinta koowaad ee munaasabadda ciidda dul-xijjah.
Kumanaan ka mida bulshada ku dhaqan magaalada Jilib iyo deegaannada ku xeeran ayaa maanta labada rakcadood ee saaladda ciiddada ku oogay fagaaraha wayn ee Mucallim Aadan Xaashi Xeyrow, dadkii goobta usoo salaad tagay ayaana wajuuhdooda laga dareemayay farxad iyo reeynrayn.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Ciidda Ee Jilib.