Degmada Jamaame oo ka mid ah degmooyinka wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka iyo deegaanka Ceel-ansaar ee wilaayada Bakool ayaa si la mid ah wilaayaadka kale ee dalkeenna Somalia shalay iyo maanta si wayn looga dabaal-dagay munaasabadda ciidul-adxaa, iyadoo fagaareyaal kuyaal deegaannadaas ay shalay 2-da rakcadood ee salaadda ciidda ku oogeen boqollaal muslimiin ah.
Degmada Jamaame waxaa sawirrada laga soo qaaday lagu arki karaa wujuuh farxad badan oo isugu hambalyeynaysa munaasabadda ciidda, dadku waxay xirnaayeen libaas qurux badan oo waafaqsan shareecada islaamka, halka sidoo kale deegaanka Ceel-ansaarna sidaas oo kale ay dadku isugu hambalyaynayeen farxadda ciidda.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Jamaame.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Sida looga Ciiday Deegaanka Ceel-ansaar.