Mu’asasada Alkataa’ib ayaa saacadaha nagu soo aadan baahin doonto filim ka kooban laba juz oo lagu soo bandhigayo weeraradii lagu xasuuqay ciidamada Lyu Police-ka ee dowlad deegaanka Soomaalida, kuwaas oo lagu tilmaamo weeraradii ugu xumaa ee lagu beegsado ciidankaas tan iyo markii la aas-aasay sanadkii 2007.
Weeraradan oo dhacay bartamihii sanadkii lasoo dhaafay ayaa galaaftay nolosha ku dhawaad 200 oo askari oo ka tirsan ciidamada Lyu Police, waxaana sidaba lagu daawan doona muuqaalka soo socda ciidanka loo dejiyey qorshe dagaaleed ay si ba’an ugu hoobteen kuna le’deen.
Haddii aan soo khulaaseeyo shanta arimood ee ugu waaweyn ee uu daawaduhu ka heli doono muuqaalkan waxay kala yihiin:
- Dowlad Deegaanka Soomaalida
Wuxuu soo bandhigayaa Sooyaalka mugdiga ah ee dowlad deegaanka ay xabashidu ka hirgeliyeen gobolka Somali-Galbeed, ujeedadada loo yagleelay iyo sida ay uga qeyb qaateen gumeysiga dadka Muslimiinta ee ku dhaqan deegaanadaas, iyagoo u adeegaya nidaamka xabashida ee doonaya inuu sii dheereysto gumeysiga uu ku hayo dadkeena Soomaaliyeed.
- Lyu Police
Wuxuu isdul taag ku sameynayaa Taariikhda madow ee maleeshiyada Lyu Police-ka iyo gaboodfaladii ay ka geysteen dhulka Somali-galbeed taas oo ay ka waramayaan dhibanayaasha kasoo badbaaday weeraradooda ama ay qirayaan askarta qudhooda iyo muuqaalo ka tarjumaya wuxuushnimadooda oo ay kula kaceen dadka Muslimiinta. Wuxuu muuqaalku milicsnaayaa dowrkii Cabdi Iley iyo Lyu Police ku lahaayeen Jail Ogaden iyo gaboodfaladii ka dhacay gobolka intii ay joogeen maamuladii xabashi kalkaalka ahaa ee soo maray dhulkaas oo ay u dambeysay mida uu hogaamiyo Mustafe Cagjar.
- Mas’uul la baadigoobayo oo dagaalka hogaaminaya
Waxaa filimka kasoo muuqanaya Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo ah hogaamiye Mareykanku ku baadi goobayo 5 milyan oo dollar. Wuxuu hogaaminayey labadii dagaal ee is xigxigay ee lagu qaaday saldhigga Aato, wuxuuna ciidanka ku boorinayaa inay cibaado ka dhigtaan dilka askarta Lyu Police-ka.
- Jabkii ugu xumaa
Waxaa filimka lagu arkayaa firxadkii ugu badnaa abid iyo haziimadii ugu foosha xumeyd ee ay soo bandhigto kaamirada Al-Shabaab waa midkii ku dhacday Lyu Police. Sida ciidankan u jebay waa mid ku ilowsiineysa Jabkii iyo firxadkii Masagawaay iyo dagaalkii Buula-Mareer. Wuxuuna banaanka soo dhigay dhiiranaanta iyo geesinimada askarta Al-Shabaab marka ay u jiheystaan inay gaaraan laba hadaf midkood: “Guul ama Shahaado”
- Barxado aanan lagu kala adkeyn
Sidaba kaamirada Alkataa’ib aad ku daawan doontaan, labada ciidan ayaa isaga hor yimid dhul furan iyo hawa furan, tiro ahaan sida kaamirada ka muuqata waxaa aad u badan ciidanka Lyu Police-ka, hadana markii lays fara saaray waxaa kala cadaatay ninka u dagaalamayey shilimaatka aduunyo iyo midka ku kalsoon hadafka uu u dagaalamayo. Kaamirada Kataa’ib waxay soo bandhigeysaa ciidankii Lyuuga oo noqday sidii Tataar Jabay oo qaarkood qoryaha tuuraya, laguna baacsanayo barxadaha Caato.
Muuqaalkan ayaa qeybtiisa koowaad la baahin doonaa galabta, halka qeybta labaad oo lagu soo bandhigayo dagaalka ugu culusna la baahin doono berito InshaAllah.