Mu’assasada Alkataa’ib oo ah garabka warbaahineed ee xarakada mujaahidiinta Al-shabaab ayaa baahisay qaybta 1-aad filim xiiso badan oo ka kooban laba juz. kaas oo lagu soo bandhigayo weeraradii lagu xasuuqay ciidamada Lyu Police-ka ee dowlad deegaanka Soomaalida, kuwaas oo lagu tilmaamo weeraradii ugu xumaa ee lagu beegsado ciidankaas tan iyo markii la aas-aasay sanadkii 2007.
Weeraradan oo dhacay bartamihii sanadkii lasoo dhaafay ayaa galaaftay nolosha ku dhawaad 200 oo askari oo ka tirsan ciidamada Lyu Police, waxaana sidaba lagu daawan karo muuqaalka ciidanka loo dejiyey qorshe dagaaleed ay si ba’an ugu hoobteen kuna le’deen.
Wuxuu filimku marka hore soo bandhigayaa Sooyaalka mugdiga ah ee dowlad deegaanka ay xabashidu ka hirgeliyeen gobolka Somali-Galbeed, ujeedadada loo yagleelay iyo sida ay uga qeyb qaateen gumeysiga dadka Muslimiinta ee ku dhaqan deegaanadaas, iyagoo u adeegaya nidaamka xabashida ee doonaya inuu sii dheereysto gumeysiga uu ku hayo dadkeena Soomaaliyeed.
Wuxuu sidoo kale isdul taag ku sameynayaa taariikhda madow ee maleeshiyada Lyu Police-ka iyo gaboodfaladii ay ka geysteen dhulka Somali-galbeed taas oo ay ka waramayaan dhibanayaasha kasoo badbaaday weeraradooda ama ay qirayaan askarta qudhooda iyo muuqaalo ka tarjumaya wuxuushnimadooda oo ay kula kaceen dadka Muslimiinta. Wuxuu muuqaalku milicsnaayaa dowrkii Cabdi Iley iyo Lyu Police ku lahaayeen Jail Ogaden iyo gaboodfaladii ka dhacay gobolka intii ay joogeen maamuladii xabashi kalkaalka ahaa ee soo maray dhulkaas oo ay u dambeysay mida uu hogaamiyo Mustafe Cagjar.
Filimka waxaa kasoo muuqanaya Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo ah hoggaamiye Mareykanku ku baadi goobayo 5 milyan oo dollar. Wuxuuna hogaaminayey labadii dagaal ee is xig-xigay ee lagu qaaday saldhigga Aato, wuxuuna ciidanka ku boorinayaa inay cibaado ka dhigtaan dilka askarta Lyu Police-ka.
Waxa sidoo kale Filimka lagu daawan karaa firxadkii ugu badnaa abid iyo haziimadii ugu foosha xumeyd ee ay soo bandhigto kaamirada Al-Shabaab, waa midkii ku dhacay Lyu Police. Wuxuuna banaanka soo dhigay dhiiranaanta iyo geesinimada mujaahidiinta marka ay u jiheystaan inay gaaraan laba hadaf midkood: “Guul ama Shahaado
Sidaba kaamirada Alkataa’ib aad ku daawan karto, labada ciidan ayaa isaga hor yimid dhul furan iyo hawa furan, tiro ahaan sida kaamirada ka muuqata waxaa aad u badan ciidanka Lyu Police-ka, hadana markii lays fara saaray waxaa kala cadaatay ninka u dagaalamayey shilimaatka aduunyo iyo midka ku kalsoon hadafka uu u dagaalamayo. Kaamirada Kataa’ib waxay soo bandhigeysaa ciidankii Lyuuga oo noqday sidii Tataar Jabay oo qaarkood qoryaha tuuraya, laguna baacsanayo barxadaha Caato.
Filimka ah oo ah mid Decomentry ah ayaa galabta la baahiyay qaybtiisa koowaad, halka qeybta labaad oo lagu soo bandhigayo dagaalka ugu culusna la baahin doono berito Insha’Allah.
Halkan Ka Daawo Filimka Weeraradii Yeed Iyo Caato.