Ugu yaraan hal askari oo Yuhuudi ah ayaa lagu dilay magaalada Jiniin, halka saddex kalena lagu dhaawacay gudaha magaalada Alkhaliil ee dhacda waqooyiga Daanta galbeed ee Falastiin.
Ciidanka Yuhuuda ayaa xaqiijiyay in hal askari looga dilay magaalda Jiniin ee Daanta Galbeed, kadib markii ay askar Yuhuud ah ku dheceen weerar kamiin ah oo ay u dhigeen kooxaha muqaawamada Falastiiniyinta ah.
Sidoo kale 3 askari oo Yuhuud ah ayaa lagu dhaawacay magaalada Al-khaliil ee dhacda isla Daanta galbeed, kaddib markii rasaas oodda looga qaaday, weerarka askartaan lagu dhaawacay ayaa dhacay xili ay ciidanka Yuhuuddu isaga huleelayeen magaalada Jiniin, Kaddib markii ay ku fashilmeen in ay gudaha u galan Mukhaymka Jiniin.
Dhanka kale dadka Falastiiniyiinta ah ayaa u dabaal dagay guusha ay ka gaareen weeraradii ay ciidanka Yuhuudu ku soo qaadeen magaalada Jiniin, kadib dagaallo socday muddo 48 saacadood ah, waxayna isku soo baxyo ka dheceen inta badan magaalooyinka Daanta , kuwaas oo lagu bogaadinayo kooxaha muqaawamada ee ka hor tagay duullaankii Yuhuudda.
Dhanka kale kooxaha muqaawamada Falstiiniyaata ayaa duqeeyay deeganada ay Yuhuudda dagganyihiin ee kaabiga ku haya marinka Gazza, illaa 6 saaruukh ayay muwqaawamadu ku garaceen magaalada Sadiiroot iyo deegaan kale oo ay Yuhuuddu xoogga ku heysato, lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay duqeymahaas.