Diyaaradaha dagaalka ee dowladda saliibiyadda ah ee Kenya ayaa xalay dad shacab ah ku dilay degmada Ceel-cadde ee wilaayada Gedo, ka dib markii ay halkaasi ka gaysteen duqaymo waxshi ah oo ay ku beegsadeen guryo ay leeyihiin dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Diyaaradaha saliibiyiinta ayaa illaa affar gantaal ku dhuftay guryo ay leeyihiin dadka shacabka ah, waxaana taasi ka dhashay dhimashada labo qof oo shacab ah iyo burbur hantiyeed oo soo gaaray guryaha dadkaasi shacabka ah
Ma ahan markii ugu horraysay oo saliibiyiinta Kenya ay duqaymo dad shacab ah lagu dilay ka fuliso Ceel-cadde oo ka tirsan wilaayada Gedo, balse waxay tani kusoo beegmaysaa xilli dowladda kaafiradda ah ee Kenya ay sare u qaaday duqaymaha ka dhanka ah dadka shacabka ah ee ku dhaqan wilaayaadka islaamiga ah ee Jubbooyinka iyo Gedo.