Diyaaradaha dowladda saliibiyadda Kenya ayaa saacadihii lasoo dhaafay duqayn arxan darro ah oo ay ka gaysteen gudaha degmada Ceel-cadde ee wilaayada islaamiga ah ee Gedo ku dilay 2 qof oo shacab ah, oo mid ka mid ah lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Sheekh Cabdullaahi sheekh Cali oo 80 jir aad looga yaqiin magaalada Ceel-cadde.
Marka laga soo tago shuhadada duqayntaasi waxaa dhaawacyo kala duwan soo gaaray xaaska Cabdiraxmaan iyo qaar ka mid ah caruurtiisa, waxay sidoo kale ay diyaaradahaasi gaysteen khasaare maaliyadeed oo soo gaaray guryaha ay beegsadeen ee ay deganaayeen dadka shacabka ah.
Halkan Ka Dhagayso Codka Garaad Maxamed Garaad Sheekh Maxamuud Iyo Ehellada Wiilka.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Maydadka Iyo Burburka Duqaymaha Kenya.