Ciidamada mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Qaayow oo ka tirsan degmada Raamo ee gobalka Mandheera ee ka mid ah dhulalka NFD ee ku hoos jira gumeysiga Kenya.
Saraakiil ka tirsan ciidanka mujaahidiinta waxay xaqiijiyeen in dagaalkaas lagu ekeeyay ciidamada dowladda Kenya, gaar ahaan kuwa loogu yeero Anti – Terrorism Police Unit (ATPU), kuwaas oo ku sugnaa deegaanka, dagaalka ka dib ciidamada saliibiyiinta Kenya ayaa isaga cararay deegaanka, waxaana halkaasi lagu gaarsiiyay khasaare kala duwan.
Dhankeeda dowladda saliibiyadda ee Kenya waxay qiratay in weerarkaas looga dilay ugu yaraan 6 sarkaal, weerarkan ka dhacay Mandheera ayaana kusoo beegmaya xilli howlgallada ciidamada mujaahidiinta ay kusii kordheen dhulalka NFD iyo Laamu oo ah dhulal ay Kenya xoog kaga haysatao muslimiinta.