Duleedyada degmooyinka Buulo-burte iyo Beledweyne ee wilaayada Hiiraan waxaa maanta ka dhacay dagaallo xooggan oo lagu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta, dagaallada ugu culus ayaa ka dhacay duleedka Buulo-burte.
Saraakiil ka tirsan ciidamada mujaahidiinta ayaa Andalus u xaqiijiyay in dagaalladaasi illaa labo jeer lagu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta, halkaasna lagu gaarsiiyay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in maydad iyo dhaawacyo murtadiin ah la geeyey magaalada Buula-burte.
Duleedka Beledweyne waxay ciidamada mujaahidiintau weerar kamiin ah ugu dhigeen maleeshiyaad murtadiin ah oo kasoo amba baxay magaaladaas, weerarkan jidgalka ah ayaa maleeshiyaadkaas ku qabsaday xilli ay marayeen inta u dhaxayso deegannada Xujub iyo Baardheere, waxaana jira khasaare kala duwan oo gaaray murtadiinta.
Dhanka Sh/hoose qarax xooggan oo saaka ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha deegaanka Bariire ayaa lala eegtay gaari ciidan oo uu watay taliyaha maleeshiyaatka murtadiinta ee degaanka Bariire, murtadka ku magac dheer (Socda), kaas oo darajadiisa ciidan ay tahay Kabtan.
Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in murtadkaas uu soo gaaray dhaawac culus, sidoo kale waxaa qaraxaasi ku dhintay mid ka mid ah ilaaladiisa.