Ciidamada mujaahidiintu waxay howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen degmada Holwadaag ee magaalada Muqdisho ku khaarajiyeen murtad ashahaada la dirir ah oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxiim Maxamed oo ahaa xubin ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya.
Dhanka Jubbooyinka, waxay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin dagaallo culus oo safmareen ah ku qaadeen xeryaha ciidamada kuffaarta afrikaanta, gaar ahaan kuwa Kenya ay ka degganyihiin deegaannada Hoosingoow iyo Taabto ee wada dhaca wilaayada Jubbooyinka.
Ciidamada jabhadda mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Sh/hoose waxay dagaallo culus ku mireen xerada iyo saldhigga ciidamada kuffaarta Uganda iyo maleeshiyaadka Riddada ay ku leeyihiin degmada Qoryooley, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
waxay mujaahidiintu sidoo kale dagaal culus ku ekeeyeen saldhigga ciidamada saliibiyiinta ee deegaanka Bariire ee hoostaga degmada Afgooye, dhawaqa deryanka hubka culus iyo midka fudud ee dagaalkaas la isku adeegsanayay ayaa laga maqlayay gudaha deegaanka Bariire iyo deegaannada ku xeeran.