Idaacadda islaamiga ah ee Andalus ayaa booqasho ku gaartay goobihii sacaadihii lasoo dhaafay lagu jabiyay ciidamo huwan ah oo isugu jiray saliibiyiin Maraykan iyo maleeshiyaad murtadiin ah, kuwaas oo dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah shareecada islaamka ka waday duleedka degmada Afmadoow ee wilaayada Jubbooyinka.
Wariye Cismaan Axmed Dhuubow oo ka mid ah wariyeyaasha Andalus ayaa booqday goobihii lagu jabiyay dhaqdhaqaaqyada ashahaada la dirirka ah ee ay ciidamadaasi huwanta ah ka wadeen duleedka degmada Afmadoow, si gaar ah wuxuu walaalku u gaaray goobtii ay camaliyadda Istish-haadiyada ah ka dhacday ee lagu soo afjaray kolonyadii saliibiyiinta, murtadiinta Danab iyo kuwa Jubbaland.