Sheekh Aadan Sahal Abuu Turaab oo ah waaliga wilaayada islaamiga ah ee Gedo, ayaa waraysi gaar ah oo uu caawa siiyay idaacadda islaamiga ah ee Andalus kaga warbixiyay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Girileey ee dhaca wilaayada islaamiga ah ee Gedo, halkaas oo dagaal ka dib ay mujaahidiintu si buuxda ula wareegeen.
Waaliga ayaa marka la waydiiyay xogta dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Girileey iyo khasaaraha kasoo gaaray murtadiinta, saraakiil iyo askar ka tirsanaa murtadiinta ayuu sheegay in lagu dilay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Girileey.
Waxaa sidoo kale wax laga waydiiyay duqaymo ay saliibiyiinta Kenya maanta ka gaysteen saldhiggii ay isaga carareen ee deegaanka Girileey, kadib markii maleeshiyaadkii ay saldhiggaas ku wareejiyeen laga eryaday deegaanka.