Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan mujaahidiinta ayaa cagta mariyay saldhig ciidan oo saliibiyiinta Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Wargaduudo oo ka tirsan waxa ay Kenyaatigu ugu yeeraan county-ga Mandheera, si gaar ahna u hoostaga degmada Ceel-waaq.
Saraakiil ka tirsan mujaahidiinta waxay inoo xaqiijiyeen in saldhigan uu qiyaastii 45 kiilomitir gudaha ugu jiraa xadbeenaadka Kenya dhinaca Mandheera, Dagaal kaddib waxay mujaahidiintu la wareegeen saldhigga, ciidamadii saliibiyiinta Kenya ee joogayna waxay noqdeen wax dhintay iyo wax baxsaday.
Deegaanka weli waxaa gacanta ku haya mujaahidiinta, hawlgalkuna wuu socdaa, waxa sidoo kale jira hawlgallo barbar socda weerarka cagta lagu maraiyay Warguduudo, wixii soo kordhana dib ayaan kasoo sheegi doonaa Insha’allaah.