Ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala magaalada Muqdisho waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal xooggan ku qaadeen 2 bar Control oo murtadiinta uyaal isgoyska xaafadda Tiida degmada Dayniile, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Riddada ee uu murtad Xassan Gurguurte ku wareejiyay amniga caasimadda.
Mujaahidiintu waxay Allaah fadligiis weeraradaas is dhinac socday ku dileen 5 askari oo murtadiin ah, halka ay sidoo kale ku dhaawaceen 3 kale, waxayna kasoo ghaniimeysteen 3 qori iyo booshashkooda.
Dhanka kale waxay ciidamada mujaahidiintu maanta weerar dhabba-gal ah u dhigeen maleeshiyaad murtadiin ah, kuwaasi oo ku socdaalayay deegaanka Xawaadley ee dhaca wilaayada Sh/dhexe, waxaana halkaas laga soo wariyay khasaare kala duwan oo murtadiinta la gaarsiiyay, inkastoo aan xog rasmi ah laga haynin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha Riddada gaaray.
Dhanka Baay waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ay ka deganyihiin xarunta xero Koowaad ee degmada Diinsoor, waxaana dagaalkaas la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhanka Jubbooyinka, waxay ciidamada jabhadda mujaahidiinta ee ka jihaada wilaayaadaas dagaallo safmareen ah ku qaadeen xeryaha ciidanka saliibiyiinta Kenya ay ka deganyihiin degmada Afmadoow iyo deegaananda Hoosingow iyo Taabto oo dhammaantood ka wada tirsan Jubbooyinka.