Maktabka warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa warsaxaafadeed kulul oo ku qornaa luuqadaha carabiga iyo Ingiriiska kasoo saaray falkii lagu gubay nuskho ka mid ah qur’aanka kariimka ee dhowaan ka dhacay dalka Sweden.
Bayaanka xarakada oo ku qornaa luuqadaha Carabiga iyo Englishka oo aan soo tarjumnay waxaa ugu horrayn lagu yiri “Waxay dunidu maalmihii lasoo dhaafay indhaha ku kala qaaday muuqaal aad u xanuun badan oo ka turjumaya naceybka ay gaaladu u qabaan Islaamka iyo muqadasaatkiisa, iyadoo ardaallada mujrimiinta ah ay Kitaabka Qur’aanka ah ku gubeen dalka Sweden, kaas oo ah wadan gaalo oo muddo dheer astaan u ahaa la dagaalanka Islaamka, isla markaasna aanan ka xishoonin in ay banaanka soo dhigaan cadawtinimada qaawan ee ay u qabaan Diinta Allaah ee xaniifka ah, iyo inay u sacaba tumaaan cid kasta oo muujisata cadaawadda iyo nacaybkaas qotada dheer.
Dhacdadan u dambaysay, inkasta oo ay xanuujisay quluubta Muslimiinta, haddana waa astaan cad oo muujinaysa heerka uu gaarsiisanyahay nacaybka ay gaalada reer galbeedku u qabaan Islaamka iyo cuqdada gaamurtay ee ay u hayaan dadka Muslimiinta ah, waxaana ku rumoobay hadalkii Allaah ee uu ku yiri Kitaabkiisa qiimaha badan ee ahaa.
﴿ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَتَّخِذُوا بِطَانَةً مِنْ دُونِكُمْ لَا يَأْلُونَكُمْ خَبَالًا وَدُّوا مَا عَنِتُّمْ قَدْ بَدَتِ الْبَغْضَاءُ مِنْ أَفْوَاهِهِمْ وَمَا تُخْفِي صُدُورُهُمْ أَكْبَرُ قَدْ بَيَّنَّا لَكُمُ الْآيَاتِ إِنْ كُنْتُمْ تَعْقِلُونَ ﴾
Waxaan shaki ku jirin in dhacdadan daan-daansiga ah ay leedahay ujeeddooyin siyaasadeed oo ay hubaal tahay inaysan ku koobnayn halka gaal ee falka sameeyay kaligiis, balse ay qorsheeyeen oo ay soo hindiseen dowladda Sweden iyo hay’adaheeda oo ay ku jiraan hay’adaha amniga iyo warbaahinta. Wuxuu Mujrimkaas gubtay Kitaabka Qur’aanka kariimka ah soo baxay isagoo ay ilaalinayso dowladda Sweden, ayna si ula kac ah u tabinaysay warbaahintu iyagoo adeegsanaya halku-dhig u ahaa xoriyada hadalka, taas oo noqotay aalad laba-wajiilanimo ah oo ogolaanaysa in lagu xadgubdo Islaamka iyo Muslimiinta, halka ay diidayso wax walba oo kasoo horjeeda Yuhuuda ama Qawmu-luudnimada.
Gubidda Qur’aanka ee dalka Sweden ma ahan wax aan ka ahayn calaamad muujinaysa munaafaqnimada reer galbeedka iyo colaada ay u qabaan Islaamka oo noqday Diinta ugu faafitaanka badan caalamka, si walba oo ay u weyntahay dhagaraha iyo hagardaamooyinka la maleegay ee ku xeeran Dacwada Islaamka.
Halkan Ka Dhagayso Tarjumada Bayaanka Oo Dhamaystiran.
Halkan Ka Degso Bayaanka Oo Carabi Ah.