Sh Cabdicasiis Abu Muscab oo ah afhayeenka ciidamada mujaahidiinta ayaa shir jaraa’id oo uu caawa qabtay kaga hadlay weeraro kala duwan oo ka kala dhacay wilaayaadka islaamiga ah ee Galgaduud, Banaadir iyo gobolka Mandheera ee dhulka NFD.
Sheekha ayaa marka hore ka warbixiyay khasaaraha murtadiinta Danab ku gaarsiiyay weerar kamiin ah oo maanta ka dhacay duleedka degmada Galcad ee wilaayada Galgaduud, wuxuu sidoo kale faahfaahin ka bixiyay dagaalkii ka dhacay Xamar ee lagu qaaday baraha Control ee Ridada iyo camaliyaddii Istish-haadiga ee lagu xasuuqay saraakiisha murtadiinta ee ka dhacday dhismaha saraakiisha oo kuyaal kasoo horjeedka xarunta wazaaradda gaashaandhigga kooxda Riddada ee Muqdisho iyo weerarkii cagmarinta ahaa ee ka dhacay Warguduudo ee Mandheera, isagoo farriimo u diray saraakiisha murtadiinta ee qaybta ka duullaanka ka dhanka ah islaamka iyo ehelkiisa.
Sheekh Abu Muscab afhayeenka ciidanka mujaahidiinta ayaa sidoo kale farriin muhiim ah u diray dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya.