Ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala magaalada Muqdisho waxay howlgal qarax la beegsadeen isbaaro maleeshiyaad murtadiin ah u tiillay xaafadda Fagax degmada Yaaqshiid ee Muqdisho, halkaas oo ay murtadiinta ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah.
Saraakiil ka tirsan ciidamada mujaahidiinta oo la hadlay Andalus waxay sheegeen in qaraxaasi Allaah fadligii uu ku bakhtiyay hal askari oo murtad ah, halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen.
Qaraxan lagu weeraray isbaarada maleeshiyaadka murtadiinta u tiillay xaafadda Fagax ayaa qayb ka ah howlgallada ciidamada mujaahidiinta ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Ridada ee ka socda magaalada caasimadda ee Muqdisho, saacadihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ay mujaahidiintu weerar toos ah ku qaadeen 2 bar Control oo Riddada ay kaga sugnaayeen xaafadda Tiida ee degmada Deyniile lagu dilay shan askari oo murtadiin ah, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen 3 kale.