Idaacadda islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay waraysi gaar ah oo ay la yeelatay Istish-haadi Cabdiwahab Xuseen Faqqi oo ka mid ahaa raggii fuliyey camaliyaadkii istish-haadiga ahaa ee 3-dii bishan Dul-xijah ka dhacay magaalada Baardheere ee wilaayada Gedo, kuwaas oo lala eegtay saldhigga xabashida Itoobiya ee degmadaas.
Istish-haadi Cabdiwahaab oo sidoo kale loo yaqaan Anas waxa uu ka dhashay beesha Jareerweyne, wuxuu Allaah ku sharfay inuu ka mid noqdo raggii camaliyaadka Istish-haadiga ah ku beegsaday ciidamada saliibiyiinta Itoobiya ee ku sugan Baardheere, halkaas oo khasaare baaxad leh lagu gaarsiiyay saliibiyiinta, Ka hor inta uusan u dhaqaaqin howlgalkiisa ayuu walaalkeen bixiyay waraysi dhinacyo badan taabanaya.