Magaalada Laascaanood ee xarunta Sool waxaa maanta markale ka dhacay dagaal u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka maamulka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.
Ilo wareedyo ku sugan magaalada ayaa soo wariyay in dagaalka oo ahaa mid culus uu ka billowday bariga magaalada, halkaas oo uu dagaal ku dhexmaray labada dhinac ee dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka maamulka Riddada ah ee Somaliland, dagaalka waxaa dhanka kale barbar socday duqaymo ay xaafadaha magaalada ku garaacayeen ciidanka maamulka Riddada ah ee fadhigiisu yahay Hargaysa.
Dadka deegaanka waxay sheegeen inay ku gacan sarreeyeen dagaallada maanta ka dhacay maagalada Laascaanood, ayna jabiyeen maleeshiyaadka Somaliland, wallow dhanka Somalilandna ay sheegeen inay dagaalka ku jabiyeen dadka deegaanka.
Laascaanood, waxay dhowr jeer oo hore sidan oo kale u martigelisay dagaallo culus oo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka maamulka Riddada Somaliland, dagaalladan ayaana salka ku hayay markii ay dadka deegaanka ka caroodeen dilal ka dhacayay magaaladaas oo ay ku eedeeyeen inay ka dambeysay Somaliland.