Wararka ka imaanaya wilaayada Galgaduud ee dhacda bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dagaallo culus ay ka dhaceen duleedka degmada Galcad ee dhacda bariga Galgaduud, halkaas oo si wayn loogu jabiyay maleeshiyada Danab ee uu sida gaarka ah u hoostaga taliska saliibiyiinta Maraykanka ee Africom.
Dagaallada oo ah kuwa culus ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Gal-libaax ee dhaca duleedka degmada Galcad ee wilaayada Galgaduud, waxaana halkaas si wayn loogu jabiyay maleeshiyaadka Riddada Baangaraafta, waxaa lasoo wariyay in askar badan dagaalladan looga dilay ciidanka Danab, saraakiisha mujaahidiintu waxay sheegeen inay ku howlanyihiin xog uruurinta khasaaraha murtadiinta lagu gaarsiiyay duleedka Galcad, dibna ay kasoo sheegi doonaan, insha’Allaah.
Dhowaan ayay ahayd markii sidan oo kale duleedka degmada Galcad ay uga dhaceen dagaallo culus oo lagu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta Danab, loogana dilay 14 askari halka looga dhaawacay 16 kale, 2 gaari oo Cabdibile ahna looga gubay halka mid kalena looga qaniimeystay.