Wararka ka imaanaya dhulalka Filistiin ee ku hoos jira gumeysiga maamulka Sahyuuniyadda Yahuudda ayaa sheegaya in shil ka dhex dhacay gudaha xero ciidan oo kutaal koonfurta dhulalka ixtilaalka ay ku haystaan Yahuudda ay ku dhimatay sarkaalad ka tirsan ciidanka Yahuudda.
Affhayeenka maleeshiyaadka Yahuudda ayaa xaqiijiyay in haweenay sarkaal ciidan ah ay dhimatay, askari kalena uu dhaawacmay kaddib markii uu shil ka dhex dhacay gudaha saldhig ciidan oo kuyaal koonfurta Falastiin, afhayeenku ma uusan bixin xog intaa ka baxsan oo ku aaddan nooca shilka iyo magaca saldhigga uu ka dhex dhacay
Taliska maleeshiyaadka gumeystaha ayaa sheegay inay baarayaan sida ay wax uga dhaceen saldhigga, islamarkaana ay natiijada kasoo baxda baaritaankooda ay u gudbin doonaan xafiiska xeer ilaalinta ciidamada si ay go’aan uga gaaraan.
Dhankiisa wargeyska Times of Israel ee kasoo baxa dhulka Falastiin ayaa sheegay in haweeneyda sarkaalladda ah ay dhimatay ka dib markii uu ku duldhacay konteenar iyadoo ku sugan gudaha xerada tababarka Tzelim ee saxaraha Negev.