Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal qarax ah oo ay ka fuliyeen deegaanka Bariire ee dhaca duleedka degmada Afgooye la beegsadeen maleeshiyaad ka tirsan murtadiinta, waxaana qaraxaasi Allaah fadligii ku dhintay 2 askari oo murtadiin ah, halka uu dhaawac kasoo gaaray askari kale.
Dhanka kale waxay ciidamada mujaahidiintu weerar kammiin u dhigeen maleeshiyaad murtadiin ah oo kasoo baxay degmada Wanllawayn kuna sii jeeday degmada Afgooye oo ka wada tirsan Sh/hoose.
Saraakiil ka tirsan ciidamada mujaahidiinta ayaa Andalus u sheegay in weerarkan jidgalka ah uu sigaara kaga dhacay inta u dhaxaysa deegaanka War-maxan iyo degmada Afgooye, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Weerarkan waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo gaaray murtadiinta, walina si rasmi ah looma xaqiijin inta uu la egyahay khasaaraha maleeshiyaadkaasi murtadiinta ah lagu gaarsiiyay weerarka.