Howlgal qarax ah oo maanta guutada qaraxyada ee mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha magaalada Jowhar ee xarunta Sh/dhexe ayaa lagu khaarajiyay masuul sare oo ka tirsanaa maamulka ashahaada la dirirka ah ee isku magacaabay Hirshabelle.
Qaraxan oo u dhacay sidii ay mujaahidiintu u qorsheeyeen ayaa Allah fadligii lagu dilay murtad lagu magacaabi jiray Daahir Maxamed Kaanti oo ahaa madaxii caanshuuraha ee maamulka Riddada ah ee Hirshabeelle ugu magacaaban gobolka Sh/Dhexe, waxaa sidoo kale qaraxaas lagu dhaawacay 7 askari oo ilaalo u ahaa murtadka la khaarajiyay.
Dhanka Jubbooyinka waxay ciidamada mujaahidiintu maanta weerar abaabulan ku qaadeen xerada maleeshiyaadka Riddada ee deegaanka Janaay Cabdalle ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay xaqqa iyo baadilka.
Saraakiil ka tirsan ciidamada mujaahidiinta ayaa Andalus u xaqiijiyay in dagaalkaasi lagu dilay 4 askari oo murtadiin ah, halka lagu dhaawacay 5 kale.
Dhanka Banaadir, Howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu maanta ka fuliyeen gudaha degmada Dayniile ee magaalada caasimadda Muqdisho ayaa lala eegtay gaari ciidan oo ay wateen maleeshiyaad ka tirsan Riddada, labo askari oo murtadiin ah ayaana ku dhaawacmay qaraxaas.
Docda kale xogo dheeri ah ayaa laga helayaa kamiin saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaadka Riddada loogu dhigay inta u dhaxaysa degmooyinka Wanllawayn iyo Warmaxan ee wilaayada Sh/hoose, waxaana inta la hubiyay halkaasi ku dhaawacmay 4 askari oo murtadiin ah.