Ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Banaadir waxay 2 qarax oo xoogan la eegteen fariisin ciidan oo maleeshiyaadka Riddada ay ku leeyihiin agagaarka isgoyska Bakaaraha degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadaasi inta la xaqiijiyay ku dhintay labo askari oo murtadiin ah oo midi yahay taliyihii fariisinka, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Huursane.
Qaraxyadan waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 5 askari oo murtadiin ah, kuwaasi oo la xaqiijiyay in dhaawacyadoodu yihiin kuwa aad u culus, waxayna qaraxyadan barakaysan qayb ka yihiin howlgallada mujaahidiinta ee ka dhanka ah murtadiinta.
Dhanka Jubbooyinka waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal xooggan oo toos ah ku qaadeen xerada maleeshiyaadka Riddada ay kaga suganyihiin deegaanka Baarsanguuni ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo, waxaana halkaas ka dhacay dagaal xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sarkaal taliye koox ah ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhaawacmay, kaas oo lagu magacaabo Cabdifataax.