Ciidamada saliibiyiinta Uganda ee qaybta ka ah isbahaysiga saliibiga ah ee la magac baxay Atmis gaar ahaan kuwa ku sugan Buulomareer ayaa madaafiic xooggan ku garaacay dad shacab ah oo ku sugnaa tuulo hoos tagta Kurtunwaarey oo ka tirsan wilaayada Sh/hoose.
Ilo wareedyo maxalli ah ayaa soo sheegay in tuulada ay kuffaartu duqeysay lagu magacaabo Iidow Guudow, waxaana madaafiicda ay soo rideen ciidamada kuffaarta ku dhaawacmay 4 qof oo rayid ah, kuwaas oo 2 kamid ah xaaladoodu tahay mid halis ah.
Ma ahan duqayntii koowaad iyo labaad ee ay Sh/hoose ka gaystaan ciidamada saliibiyiinta Yugaandha ee duullaanka saliibiga ah ku jooga qaybo ka mid ah Sh/hoose, balse waa duqaymo soo noqnoqday waxayna sii xoogaysteen tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu billowday qorshaha bixitaanka saliibiyiinta, Bil ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale ciidamada kuffaarya Uganda ee ku sugan degmada Baraawe ay 6 qof oo caruur ah ku dileen tuulo u dhow Ambareeso ka dib markii ay caruurtaasi madaafiic xooggan ku garaaceen.