Ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxay howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen degmada Dayniile ku dileen askari ka tirsanaa maleeshiyaadka Riddada gaar ahaan kuwa lagu soo tabobaray Yugaandha, ee lagu wareejiyay amniga caasimadda, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdikaafi.
Dhanka gobolka Laamu, waxay ciidamada mujaahidiintu maanta weerar kammiin ah u dhigeen kolanyo ciidamo ah oo ka tirsan saliibiyiinta Kenya, kuwaas oo ku socdaalayay laamiga Tanarifa.
Saraakiisha ciidamada mujaahidiintu waxay ino xaqiijiyeen in gaari Tow ah ay Allah fadligii kamiinkaas ku gubeen, waxaa sidoo kale jira khasaare nafeed oo saliibiyiinta Kenya lagu gaarsiiiyay weerarkan dhabbagalka ah.