Axmed Cabdi Cali waa askari murtad ah oo ay ciidamada mujaahidiintu kusoo qabteen weerarkii cagmarinta ahaa ee ay ku qaadeen fariisinka maleeshiyaadka murtadiinta ee xaafadda Cali Turcaaye ee magaalada Muqdisho.
Axmed ayaa kusoo dhacay gacanta ciidamada mujaahidiinta ka dib markii cagta la mariyay maleeshiyaadkii uu ka tirsanaa ee dhowaan laga keenay waddanka Yugaandha, kuwaas oo weerarkan looga dilay 6 askari halka askarigana nolasha lagu qabtay, isagoo ku jira gacanta mujaahidiinta ayuu waraysi siiyay idaacadda islaamiga ah ee Al-andalus, wuxuuna ka warbixiyay sida lagu soo qabtay, isagoo dhanka kale soo bandhigay xogo badan oo ku saabsan ciidanka uu ka tirsanaa ee murtazaqada u ah Imaaraadka Carabta.