Ciidamada mujaahidiinta waxay howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen degmada Dharkenley ee caasimadda Muqdisho ku dileen kornayl Cali Cabdi Maxamed (Cali qoriyow) oo ka mid ahaa saraakiisha hoggaannada ciidamada Millatariga kooxda Riddada Soomaaliya, sarkaalkan oo in muddo ah ay ku daba jireen mujaahidiinta ayaa Allaah fadligii ugu dambayn maanta ku baxay gacanta mujaahidiinta.
Isla degmada Dharkeynley, gaar ahaan isgoyska Macalin Nuur howlgal qorshaysan oo ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen halkaas, waxay ku dileen sarkaal booliis, oo darajadiisa ciidan tahay 2 xidigle, kaasi oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Ibraahiim oo ku magac dheeraa Basalow.
Sarkaalkan oo ka mid ahaa saraakiisha Ridada ee aadka u dhibi jiray shacabka caasimadda, ayuu Allaah isagana soo afjaray shartiisa, ka dib howlgalkaasi qorsheysan oo ay mujaahidiintu ka fuliyeen Isgoyska Macallin Nuur, waxayna howlgalladan ku biirayaan silsilado howlgallo ah oo ay maanta martigelisay caasimadda.