Ciidamo aad u qalabaysan oo ka tirsan jabhadda mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Gedo waxay weerar culus ku mireen saldhig ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ay ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Geedweyne oo u dhow degmada Doolow ee Gedo.
Dagaal in mudda ah socday ka dib waxaa ciidamada mujaahidiinta Allaah fadligii u suuragashay inay si buuxda ula wareegaan gacan ku haynta saldhigga iyo guud ahaan deegaanka, waxayna weerarkan cagmarinta ah ku dileen labo askari oo murtadiin ah oo mid uu ahaa taliyihii ammaanka deegaanka oo la oran jiray Jiir Ismaaciil (Ciiley), askariga kale waxaa magaciisa lagu soo koobay Cabdow Xuseen, waxaa sidoo lagu dhaawacay murtadiinta kala ah Cabdinasir Iley iyo Xuseen Indho.
Saraakiisha mujaahidiintu waxay inoo sheegeen in weerarkaasi ay ciidamada mujaahidiintu soo qaniimaysteen labo baabuur oo Noha iyo Suzuki ah, 2 qori oo AK-47 ah iyo booshashkooda, waxayna ugu dambayn qarxiyeen oo dhulka la simeen saldhiggii ay degaankaasi ku lahaayeen maleeshiyaadka maamulka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland.
Dhanka kale waxay ciidamada mujaahidiintu weeraro abaabulan ku mireen saldhigga cidanka Itoobiya ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Baardheere, iyo xerada maleeshiyaadka murtadiinta ee Baraxow ee isla magaaladaas.