Roobabka mahiigaanka ah ee ka da’aya waddanka Nepal ayaa dilay ku dhawaad 40 xubnood, sida laga soo xigtay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda uu fadhigeedu yahay Katmandu.
Waxaa sare usii kacaya dadka dhibbanaha u ah musiibadan, kooxaha gurmadka deg degga ah iyo shaqaalaha ayaa baadigoob ugu jira dad la la’yahay ka dib markii uu la tagay guri kusoo dumay oo kuyaal tuulo u dhow caasimadda waddankaasiee Katmandu, dhul go’an ayaa sidoo kale sababay inay xiranto waddo weyn oo isku xirta caasimadda iyo gobollada koonfureed.
Tan iyo bishii lasoo dhaafay, waddamo badan oo dunida ka mid ah waxaa laga soo tabiyay inay ka dhacen jahwareer dhanka cimilada ah oo isugu jiray kulayl daran oo ka jira waddamada qaar, kuwaas oo sababay inay dab ka kacaaan keymo dhaliyay na dhimasho iyo dhaawac fara badan, iyo daadad xooggan iyo dhul go’ ku dhuftay waddamo badan, kuwaas oo iyagana sababay dhimasho dhaawac iyo in kumannaan qof ay ka barakacaan guryihii ay degannaayeen.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Saamaynta Roobabka.